Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Somalia dalbatay in la wada-hadal siiyo iyaga iyo Dowlada Itoobiya madaama ay ciidamo ka joogaan gobolo dhowr ah oo dalka ah.

Warqad la sheegay inay dirto Dowlada Soomaaliya ayaa ku socotay dalka Tanzania oo hada guddoon u ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika waxaana looga dalbaday dhex-dhexaadinta Itoobiya iyo Somalia taasoo si gaar ah ugu saabsan dhanka Ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah kuwa ATMIS.

Advertisement

Warqada waxay Dowladu ku dalbaneysaa sida la sheegay in dib u eegis lagu sameeyo Ciidamada Itoobiya madaama ay muhiim u yihiin amniga Somalia taasoo  lidi ku ah  warkii dhawaan ka soo baxay madaxtooyada Somalia oo lagu dalbaday in Ciidamada Itoobiya looga baahneyn soomaaliya madaama xiririka labad dal uusan wanaagsaneyn markii Itoobiya damacday badda Somalia.

Qoraalkaan waxaa la sheegay inuusan dhanka Dowlada ka soo bixin balse loo ekeysiiyay mana jirto war rasmi ah oo Dowlada ka soo baxay oo lagu beeniyay qoraalka nuucaasi ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here