BARAAWE (DAYNIILE.COM)-Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ay dib u celisay diyaarado ciidamo badan siday oo ku soo degi lahayeen garoonka diyaaradaha Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee Maamulka Koonfur-galbeed.

Ciidamadaan oo ah milatari tababaran ayaa waxaa Baydhabo ka soo diray Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed C/casiis Laftagareen balse amar ay Dowlada Somalia bixisay ayaa lagu hor istaagay in diyaaradahaasi caga dhigtan Baraawe.

Advertisement

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta Dowladu ciidamadaani u diiday xili sidoo kale warar kala duwan ay ka soo baxayaan ujeedka Lafta-gareen ciidamadaasi ka leeyahay.

Warar qaar ayaa sheegaya in C/casiis laf-gareen doonayo inuu ciidamadaani kaga  hor tago maleeshiya beeleedka maalmihii ugu danbeeyay uu kula diriraayay Magaalada Yaaqbari-weyne halka warar kale ay sheegayaa inuu doonayo sidii uu ciidamadaasi uu uga hor tagi lahaa Dowlada laftigeeda.

Wararka ayaa intaasi klu daraya in Dowlada Somalia qorsheyneyso inay doorasho madaxweynaha koonfur-galbeed ku qabato Baraawe hadii Lafta-gareen uu Baydhabo ku qabsado doorasho dad-ban taasoo uu didan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh oo raba dhamaan maamulada inay doorasho dadweyne qabtaan si uu uga dhabeeyo qorshihiisa ah in doorashada faderaalka ee soo socota looga dhigo mid qof iyo cod ah.

Sidoo kale Lafta-gareen ayaa isna la sheegayaa inuu ciidamadaani ka damacsan yahay inuu Baraawe kaga hor istaago doorashada Dowaldu ku jabineyso mida uu Baydhabo ku qaban doono.

Inkastoo warar aan la hubin ay soo baxayaan hadana waxaasocda isku dayo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Maamulka Koonfur-galbeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here