LONDON (DAYNIILE.COM)-Sida lagu baahiyay wargeyska The Independent xoghayihii hore ee difaaca ee dalka Britain Sir Gavin Williamson ayaa shaaciyay in Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump uu aqoonsanayo Maamulka Ictiraaf doonkla ah ee Somaliland.
Masuulkaan reer Britain wuxuu warkiisa intaasi ku daray in dhawaan Trump uu la fariistay koox kala hadashay aqoonsi la siiyo Maamulka Somaliland taasi oo aan si rasmi ah loo faafin.
Xoghayihii hore ee difaaca UK ayaa waqtigii uu xilka hayay olole ugu jirey aqoonsi la siiyo maamulka Somaliland inkastoo uu ku guuldareystay.
Sarkaalkaan Sir Gavin Williamson wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Madaxweyne Trump marka uu si rasmi ah ula wareego xafiiska madaxtooyada aqalka cad uu fulin doono aqoonsiga Somaliland.
Maamulkaan oo ka tirsan Soomaali weyn ayaa mudo 30 sano ka badan waxay raadinayeen aqoonsi caalami ah si ay si rasmi ah uga go’aan Soomaaliya inteeda kale, laakiin aad bay u adag tahay madaama ay yihiin qabiil ka mida qabaailada soomalida.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM