GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee magaca Atmis ku joga Somalia ay maanta dib u soo celiyeen Heylakobtar ay leeyihiin ciidamada Milateriga Somalia.

Diyaaradaan dagaal ee cidamada Cirka waxay waday sida la sheegay saraakiil ka tiran ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya kuwaasoo rabay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Geddo balse waxaa u diiday inay degato ciidamada Itoobiyaanka.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo khilaaf uu kala dhexeeyo Dowlada uu ka danbeeyo falkaan islamarkaana uu itoobiya ka dalbaday inay celiyaan diyaradaan.

Axmed Madoobe waxaa la sheegay inuu tuhunsan yahay ama uu ka cabsanayo in saraakiisha saaran heylakobtarka uu asal ahaan ka soo jeeda Jubaland ay Garbahaareey ka saaraan gacanta maamulka Jubaland.

Ciidamada Itoobiyaanka oo diyaarada la xiriiray inteysan degin ayaa u sheegay in qalalaase ka dhasha soo degitaanka diyaaradaan aysan Itoobiya masuul ka noqon karin,sidoo kalana aysan amniga saraakiisha damaanad qaadi karin.

lama yaqaan halka uu ku dhamaan doono khilaaka Dowlada iyo Maamulka Jubaland,sidoo kale Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Somalia kama hadlin jiritaanka dhacdadaani.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Mohamed Salh - Dowladda Soomaaliya ayaa heshay shixnad diyaarado Helicopter-ka ah oo nuucoodu yahay Bell 412, iyo qaar kale oo hub ah. Bell 412 waa helikobtar mataano ah oo loo isticmaalo u

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here