Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-shabelle Cai Guud-laawe Xuseen oo maalmihii ugu dambeeyay booqasho shaqo ku joogay Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Maqa-kori ayaa warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in loo diiday inuu booqdo Magaalada Maxaas ee isla Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamo Beeleedka Macawisleyda loo yaqaan ee ka soo jeeda Magaalada Maxaas ay diideen inuu magaaladaasi booqdo Madaxweyne Cali Guud-laawe.

Advertisement

Madaxweyne ku xigeenkiisa Daba-geed iyo Wasiirka arimaha gudaha oo labaduna Hiiraan ka soo jeeda oo safarka madaxweynaha ku wehliya ayaan la ogeyn sida ay uga fal celin doonaan talaabada Madaxweynaha loogu diiday Degmada Maxaas.

Reer Hiiraan gaar ahaan Beesha Xawaadle ayaa tan iyo markii la soo doortay Madaxweynaha Hirshabelle oo ka soo jeeda Beesha Abgaal waxay bilaabeen inay ka hor imaadaan jiritaanka magaca hirshabelle oo ka dhexeeya beelo aad u badan oo ka soo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Beesha Xawaadle oo hore xilkaan Madaxweynaha Hirshabelle laba jeer u soo qabteen ayaa markii Cali Guud-laawe la soo doortay sameystay magaca Hiiraan Satate iyagoo ku celceliya in awood qeybsiga hirshabelle aan si sax wax loo qeybsan lana dulmiyay iyagoo ula jeeda in caasimadii Hirshaballe iyo Madaxweynihiiba ay isku qaateen Beesha Abgaal.

Si kastaba dhawaan Cali Guud-laawe ayaa u bareeray inuu Hiiraan tago isagoo mashaariic badan ka dhagax dhigay Degmada Maqa-kori oo dadka dega ay Xawaadle ugu badan yihiin halkaasoo si weyna loogu soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaha balse hada lama yaqaan sababta reer Maxaas u diiden booqashada Madaxweyne Cali Guud-laawe.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here