HomeWarkiiMaxaa ka jira in berito digniino Amni laga  bixiyay Muqdisho

Maxaa ka jira in berito digniino Amni laga  bixiyay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hay’adaha amniga ee Dowlada Somalia ay digniino ka bixiyeen suurtagalnimada in Alshabaab berito oo sabti ah qaraxyo ka geystaan Muqdisho.
Meelaha sida gaarka ah digniintu ugu socoto waxaa lagu sheegay goobaha dadka badan isugu yimaadaan.
Sidoo kale Digniintaan waxay ku soo aadeysaa xili berito Degmooyinka Hodan iyo Kaaraan ay u balansan yihiin qaadashada kaararka cod bixinta doorashooyinka qof iyo cod gaar ahaan tan deegaanka Gobolka banaadir.
Wariyayaasha caanka ka ah baraha bulshada qaarkood ayaa caawa xayaysiin hab beeleed ku saleyaan waxay u sameynayan kaar qaadashada beri iyagoo ka dhigaya in labada degmo ay ku tartamayaan labada beelood ee ugu badan Muqdisho.
Safaf dhaadheer ayaa lagu wadaa inay galaan shacabka labadaas Degmo hadii aanay dowladu u baajin sababo amni
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -