XARARDHEERE (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay soo buux dhaafiyeen tuulooyinka ku dhaw dhaw Magaalada Xarardheere ee Gobolka Geddo.
Wararka saacadihij ugu dambeeyay laga helaayo halkaasi ayaa sheegaya Alshabaab damac uga jiro inay Magaalada Xarardheere soo gaari karaan walow ay magaaladaasi joogaan kumaandooska Gorgor iyo ciidamada Deegeenka.
Xiisad u dhexeyaa Dowlada iyo Alshabaab ayaa laga soo sheegayaa Magaaladaasi Xarardheere iyadoo la hadal hayo weerar ka yimaada dhanka Alshabaab.
Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa diyaar garow xoogan waxay ugu jiraan inay difaacdaan Magaaladaasi.
Taliye Cali Cageey oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Dowlada ayaa carabka ku adkeeyay inaysan aqbalayn in Alshabaab marna gudaha u galaan Magaalada Xarardheere.
XARFFIISKA WARARKA
ARARDHEERE.XK.
![](https://www.dayniiile.com/wp-content/uploads/2024/05/FB_IMG_1716041791450.jpg)