Dagaalamayaal badan oo Alshabaab ka tirsan ayaa la soo sheegayaa inay maanta ka ruqaansadeen gobolada Bay iyo Bakool iyagoona u dhaqaaqay dhanka Hiiraan iyo shabeelooyinka oo dagaalo ay uga furan yihiin.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhaq-dhaqaaqooda maanta ay sameeyeen kooxda,wararka qaar waxay sheegayaan inay iyagu iskood u fureen magaalooyinka ay mudo sanado ah go’doomiyeen kuwaasoo badankood ku yaal Gobolada Bay iyo Bakool,halka warar kalana sheegayaan inay ciidamadii oo dhan furumaha u direen taasina ay ku qasabtay inay iskood u furaan meelihii u go’doonsanaa.
Ciidamada iyo gaadiid dagaal wixii ka joogay Bay iyo Bakool ayay dhamaantood gurmad ahaan ugu direen shabeelooyinka iyo Hiiraan oo culeys dagaal uu ka heysto.
Dhanka kale sirdoonka Dowlada Somalia iyo maamulka Koofur-Galbeed wali wax wara kama soo saarin dhaq dhaqaaqyada Alshabaab ay ka sameeyeen gobolada Bay iyo Bakool.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM