MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar aan wali la xaqiijin balse la sheegay inuu ka soo baxay Hay’addaha QM ayaa lagu shaaciyay digniin mar kale ay ka bixinayaan in weeraro argagaxiso oo ka dhici kara xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Digniintaan la sheegay inay QM ka soo baxday waxaa lagu muujiyay cabsi laga qabo in weeraro ay soo qaadaan kooxda Alshabaab kuwaasoo qaraxyo ay u adeegsan doonaan hadii laga hortagina ay la rabaan xerada Xalane oo shisheeyuhu degan yihiin iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in dagaalyahanada alshabaab adeegsan doonaan direyska iyo aqoonsiga ciidanka Xooga dalka.
Xili kasta oo digniinahaan Mareykan ama UN midkood uu ka soo baxo Hay’adaha amanaka Dowlada waxay aad u adkeeyaan amniga iyagoo feejignaan sare sameeya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM