Qore: Yahya Amir
Maxaa ka dhexeeyo Daarood iyo Hawiye.
DNA, Deoxyribo Nucleic Acid, badanaa waxaa loo qeybiyaa Saddax Qeyb marka la baarayo. Waxaa markii ugu horeysay Soo saaray Seynis yaqaankii Reer Swiss Mr. johannes freidrich.

DNA, waa Cilmi lagu ogaado Xiriirka Hidda Raaca ee ka dhexeeyo Laba Noole Dad iyo Duunyaba. Unugyadaa Hidda sidaha oo Noola kasta uu u gudbiyo Tafiirtiisa Dambe, waxa kale oo lagu ogaadaa inta uu isku jiro Xirrirka Faraca labadaa Noole, kuwa is dhalay, isku asalka iyo kuwa aan is dhalin ee kala Fog, ama ka soo kala jeedo laba qowmiyadood oo kala fog.

Haddii aan dhican iska dhigno Sheeka dhaqameedka ummadaha oo dhami ay wada leeyihiin oo ku saleysan Hab nololeedka, Deegaanka iyo Qiyaasta la mala awaali karo ee aan u laabano Habka Casriga ah ee Shaybaarada lagu baaro DNA-da, ee aad ku baarto habka ( ChatGpt) xiriirka dhiig ee ka dhexeeyo Qabiiladda Somalida ee wada wadaagi karo qeybta Hidda sidaha ( E-V32) si aad u ogaato Xiriirka Shakhsiyaadka ka dhexeeyo ee muujinayo Asal wadaaga. Isla markii waxaa kuu soo baxayo in Qabiiladda Daaroodka iyo Hawiyuhu ay wadaagaan Hidda sidaha DNA ee E-V32, taa oo muujinee asal mideysan.

Adigu dheh Carab ama Afrikaan kale ayaan ka soo jeedaa, kuwaasi kulama wadaagaan Hidda sidaan E-V32 ee muujinayo Asal wadaagga.

Waxaan Aaminsanahay in Qabiilada kale ee Somaliduna ay soo wada Gali doona E-V32, Adiguna sii baar.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir
May be an image of textMay be an image of textMay be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here