Khilaafka u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ee ku mideysan ururka AOA iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa sababi kara saameyn ballaaran oo ku timaada adeegyada duulimaadyada gudaha iyo dibadda ee dalka.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan dhammaan duulimaadyada laga bilaabo maanta, Arbaco, 22 Janaayo 2025, iyagoo ka cabanaya caqabado joogto ah oo ay la kulmeen iyo cabashooyin ay hore u gudbiyeen balse aan weli wax laga qaban.

Advertisement

War kasoo baxay Midowga Duulimaadka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in shirkaduhu aysan sii wadi karin shaqada Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulista Rayidka darteed, ilaa xal waara laga gaarayo cabashooyinkooda.

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa ku adkeysaneysa in duulimaadyadu ay si caadi ah u sii socon doonaan, iyadoo digniin ka bixisay wararka sheegaya carqalad ku imaan karta safarada gudaha.

Qoraal ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in ay baaritaanno ku sameeyeen shirkadaha diyaaradaha, ayna heleen arrimo la xiriira badqabka rakaabka, taasoo keentay in amar la dul dhigo shirkadaha qaar si ay u fuliyaan dayactir sharci waafaqsan.

Haddii shaqo joojinta ay hirgasho, waxaa la filan karaa saameyn ballaaran oo ay ka mid yihiin hakad ku yimaada safarada gudaha iyo dibadda, taasoo caqabad ku noqon karta ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Khasaare dhaqaale oo ba’an ayaa ku dhici kara shirkadaha diyaaradaha, garoomada, iyo qeybaha kale ee la xiriira duulimaadyada, halka sidoo kale sumcadda guud ee duulista rayidka Soomaaliyeed ay dhaawacmi karto, taasoo keeni karta in rakaabka iyo shirkadaha caalamiga ah ay ka caga jiidaan isticmaalka adeegyada duulimaadyada dalka sida ay qabaan Khubarada dhanka Duulimaadka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here