ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Afhayeenka Wasaarada arimaha dibada Itoobiya ayaa soo hadal qaaday arimo ku saabsan halka uu marayo khilaaka Somalia iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii Maamulka Somalland iyo Itoobiya taasoo ugu dambeyn keentay in Turkigu heshiis dhex dhigo labada dal si loo qaboojiyo xiisada.

Afhayeenka Wasaarada arimaha dibada Itoobiya Ena Nebiyou ayaa laga soo xigtay in Itoobiya ay ka go’an inay sii waddo dadaalkeeda lagu xaqiijinayo helitaanka bad isagoo laakiin xusay inay u marayaan sharci iyo diblomaasiyad.

Advertisement

Masuulkaani wuxuu Dowlada Turkiga uga mahadceliyay heshiiskii ay dhex dhigtay Itoobiya iyo Somalia gaar ahaan Heshiiskii Ankara kaasoo lagu dejiyay xiisad labada dhinac ka dhex taagneyd.

Afhayeenka mar uu soo hadal qaaday halka uu marayo hirgelinta heshiiskii Ankara wuxuu carabka ku adkeeyay  in dhankooda ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan heshiiskaasi ,sidoo kale wuxuu tilmaamay shirarka labada dal lagu qeexayo habka ay Soomaaliya ugu ogolaan doonto Itoobiya marin bad sio sharci ah loo marayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here