=XIGASHO BBC SOMALI=

arooska wacan

Advertisement

Dabaal dagyo xamaasad leh oo bilihii lasoo dhaafay socday ayaa ugu dambeyntii waxaa magaalada Mumbai ee dalka India ka socota xaflada arooska wiilka uu dhalay ninka ugu taajirsan Aasiya.

Anant Ambani, oo ah wiilka guddoomiyaha Reliance Industries, Mukesh Ambani, ayaa guursanaya Radhika Merchant, gabadh ay dhaleen maalqabeennada Viren iyo Shaila Merchant.

Xaflada ayaa lahayd qayb hore oo ay qoysku marti galiyeen dad caana oo ay ka mid ahaayeen fanaaniinta Rihanna iyo Justin Bieber.

Wadooyinka muhiimka ah ee Mumbai ayaa la xirayaa dhowr saacadood maalintii ilaa ay ka dhamaanayaan xafladaha maalinta Isniinta ah.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa wararka ku saabsan arooska, iyadoo dadka daqiiqad-daqiiqadba loola wadaagayo xogta xiddigaha Bollywoodka iyo kuwa caanka ah ee imaanaya xaflada.

Qaar ka mida dadka magaalada ay ka dhacayso xaflada arooska ayaa ka cowday xirnaanshaha wadooyinka oo uga sii daray dhaqdhaqaada saxmada ee ka dhashay roobab ka daya magaalada halka dadka qaar ay su’aal galiyeen sida foosha xun ee hantida loogu bandhigyo dabaaldagyo.

Ninka tobnaad ee adduunka ugu taajirsan

arooska ambani

Mukesh Ambani, oo 66 jir ah, waa ninka 10-aad ee adduunka ugu taajirsan, wuxuuna haystaa hanti dhan 115bilyan oo dollar sida ay sheegtay Forbes. Shirkadiisa Reliance, ayuu aasaasay aabihiis 1966, waa shirkad weyn oo ka shaqeysa qaybo ka mid ah batroolka iyo isgaarsiinta.

Arooska wiilkiisa Anant Ambani ayeyku baxaysaa malaayinta dollar, waa kan ugu yar saddex carruur ah oo uu dhalay, kuwaas oo dhammaantood ku jira guddiga Reliance Industries.

Ananta isaguna waa 29 sano jir ka mida guddiga maamula ganacsiga shirka Reliance Foundation.

Qoysku Ambani, ma shaacin kharashka ku baxaya arooskan weyn balse waxaa lagu qiyaasay inay ku baxayso inta u dhaxaysa 11 ilaa 13 bilyan oo lacagta hindiyaa oo u dhiganta ilaa 132 milyan oo dollar.

Waxaa la isla dhexmarayey in Rihanna la siiyey ilaa toddobo milyan oo dollar halka Justin Bieber uu ka helay xaflada ilaa 10 milyan oo dollar.

Qof aan la magacaabin oo ka tirsan shirkada qoyska ee Reliance ayaa sheegay in dhacdadani ay “astaan xooggan u tahay kobaca India ee heerka caalamiga ah” qoraal lala wadaagay suxufiyiinta.

arooska an caadiga haayn

Laakiin siyaasiga mucaaradka ah ee Thomas Isaac ayaa sheegay inay tahay “wax fool xun”.

Qoraal uu soo dhigay barta X, ee hore loo oran jiray Twiter ayuu ku sheegay “Sharci ahaan waxay noqon kartaa lacagtooda, laakiin kharashaadka noocaas ah waa dembi ka dhan ah dadka saboolka ah.”

Jimcihii, ayuu ninkii arooska ahaa ka soo kicitimay hoygiisa isagoo wata baabuur cas oo nooca raaxada ah oo ay ku daboolan yihiin xarko ubaxyo cadcad ah, iyadoo marti farxadeed ay hareeraha ka socdeen.

Kolonyo baabuur ah, oo sidoo kale lagu qurxiyay ubaxyo, ayna siteen xubno qoys, ayaa la socday kuwaas oo music iyo farxad galin isugu darayey.

Sidoo kale inta ay socotay xaflada qaybta loo yaqaan Baraat, waxaa ku biiray xidigo badan oo Bollywoodka ka tirsan oo heeso iyo qoob ka ciyaar samaynayey.

Martidu waxay ku barakayn doonaan arooska xaflda dhacaysa sabtida waxaana ku xigi doona xaflad weyn halkaasoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in xiddigaha pop Drake, Lana Del Ray iyo Adele ay u badan tahay inay joogan.

Madaxda kale ee ka qayb galaysa arooska

Madaxweynihii hore ee Hindiya Ram Nath Kovind, Safiirka Ingiriiska u fadhiya India Lindy Cameron, iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya India Eric Garcetti ayaa iyaguna ku sugan magaalada si ay uga qayb galaan arooska.

Martida caalamigaa ee xaflada lagu casumay waxaa ka mid ah xidigta Kim Kardashian, Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK Tony Blair iyo Boris Johnso. Sidoo kale waxaa lagu arkay xidiga ciyaaraha WWE ee Mareykanka iyo Jilaaga John Cena oo u hambalyeyna qoyska.

Rajan Mehra, oo ah maamulaha shirkadda kirada hawada ee Club One Air, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in qoysku ay soo kiraysteen saddex diyaaradood oo Falcon-2000 ah si ay martida arooska ugu daabulaan xafladda.

“Martidu waxay ka imanayaan meel walba, diyaarad kastaa waxay sameyn doontaa safarro badan oo dalka oo dhan ah,” ayuu yidhi.

Damaashaadka meherka ayaa soobilaabmay bishii March markii qoysku ay xaflad aroos ka hor ah oo saddex maalmood ah ku qabteen gobolka ay ka soo jeedaan ee Gujarat.

Ilaa 1,200 oo marti ah oo ka soo qayb galay xafladaas waxaa ka mid ahaa madaxa Meta Mark Zuckerberg iyo Bill Gates oo ka tirsan Microsoft.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here