=XIGASHO BBC SOMALI=

Sheekh Zakir Naik oo lagu eedeyay inuu xusmeeyo gabdho agoon ah

Advertisement

Sheekha caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya ee wacdiya, Zakir Naik, ayaa lagu marti qaaday xaruun carruur agoon ah ay leeyihiin oo ku taalla dalka Pakistan Arbacadii la soo dhaafay.

Laakiin in badan oo ka mid ah dadka reer Pakistan ayaa ku dhaliilay in si aan habbooneyn uu ula dhaqmay qaar ka tirsan carruurta gaarahaan gabdhaha.

Markii uu meesha tagay Sheekh Zakir Naik, gabdho goobta joogay ayaa u soo dhawaaday hase-yeeshee dib ayuu uga joogsaday wuxuuna u sheegay in ajanbi kala yihiin oo waxyaabaha qaar aaney habbooneyn.

Sheekh ayaa si weyn loogu dhaleeceyay arrintaan gudaha Pakistan.

Muuqaal baraha bulshada la soo geliyay ayaa aad looga falceiyay kaas oo muujinaya gabdho asturan oo soo galaya Masrax kadib-na waxaa la arkayaa sheekha oo isaga tagaya goobtii, iyadoo gabdhihii ay tubanyihiin.Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa sidoo kale la kulmay Zakir Naik

Waa maxay muxram?

Munaasabadda waxaa abaabulay xaruun lagu magacaabo Pakistan Sweet Home Foundation, taasoo caawisa gabdhaha agoonta ah.

Markii ninkii barnaamijka hoggaaminayay uu u yeeray koox gabdho ah in ay Masraxa yimaadaan, Naik arrintaa kuma faraxsaneyn oo markiiba wuxuu bilowbay inuu ka fogaado markii ay soo bateen oo uu dareemay ciriiri ayuu isaga baxay goobta.

Wuxuu yiri gabdhahan “muxram lama socdo”. Dad badan oo ku sugan Pakistan ayaa u arkay tallaabadaan Sheekh Zakir Naik inay tahay mid aad u naxdin badan, khayaali ah, isla markaana hoos u dhigaysa haweenka.

Wariye u dhashay dalka Pakistani oo la yiraahdo Usman Chaudhary ayaa la wadaagay dadweynaha muuqaal gaaban oo arrintan ku saabsan , wuxuuna ku dul qoray, “Xildhibaan hore ee Pakistan Zamrud Khan ayaa gabdhaha agoonta ah masraxa keenay si loogu muujiyo sharafta ay mudanyihiin, laakiin Zakir Naik wuu ka tegey masraxa isaga oo aan u muujin xushmad. Zakir Naik wuxuu yiri gabdhahan waa ‘muxram la’aan.”

Illaa dhowr sano ka hor, dowladda Sacuudiga, dumarka waxaa lagu khasbayay inay ka baxaan guryahooda kaliya iyagoo ay la socda ragga sida aabayaashood, walaalahood, ninmankooda iyo dhamaan dadka muxramka u ah .

Laakiin sanadkii 2019, Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman, ayaa beddelay xeerkas, waxaana haweenku hadda ay ka bixi karaan guryahooda iyagoon qof la socon muxram u ah.

Haweeney garyaqaanad reer Pakistan ah oo lagu magacaabo Sareeha Benazir oo muuqaalka aragti ka dhiibatay ayaa tiri “Dr. Zakir Naik waa cilmi yaqaan iyo marti Pakistan. Laakiin habka uu ula dhaqmay haweenka waa mid naxdin leh, khayaali, isla markaana hoos u dhigaya haweenka. Sidee ayay u noqon karaan dad xun oo dhib leh gabdhahan yar? Islaamkaygu sidan ma ahan.”Sheekh Zakiir ayaa Pakistaan tagay  bishii September ee dhamaatay  soddonkeedii

Sida looga falceliyay ficilka Zakir Naik gudaha Pakistaan

Barafasoor Taimur Rehman ayaa ka mid ah dadka reer Pakistaan ee dhaleeceeyay habka uu gabdhaha ula dhaqmay Sheekh Zakir.

Muuqaal uu baraha bulshada soo dhigay ayuu ku yiri: “waxay ahaayen gabdho yaryar oo agoon ah, Zakir Naik wuxuu u haystaa in gacanta oo lagu salaamo iyo madaxooda oo la taabto ay tahay wax ixtiraamka ka fog, balse diinta Islamaka ayay ka hor imaanaysaa.”

“Muxram” waxaa loo isticmaalaa haweenka waaweyn, maaha gabdhaha. Halkan, su’aal ma jirin oo ku saabsan xiriir jireed. Islaamku miyuu ka soo horjeedaa ixtiraamka gabdhaha agoonta?” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Saxafiga reer Pakistan Cabbas Nasir ayaa isna muujiyay cabashadiisa ku aaddan mowqifka Zakir Naik, wuxuuna qoray, “Waxaan ka yaabbanahay sababta Zakir Naik loogu casuumay Pakistan. Marka hore, Zakir Naik waxaa casuumay dowladda waxaana soo dhaweeyay Rana Mashud,”

Akhtarul Wasey, oo ahaa madaxii hore ee Xarunta Daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Jamia Millia ee Delhi, ayaa la waydiiyay sida uu u arko mowqifka Zakir Naik ee ku saabsan barnaamijka gabdhaha agoonta ee Pakistan.

Akhtarul Wase wuxuu yiri, “Marka hore, Pakistan waxay marti-qaadday Zakir Naik si ay ugu ciyaarto India. Marka xiriirka labada dal horey ayuu u xumaa, Pakistan waxay casuumtay Zakir Naik. Pakistan waa dal Islaami ah, habka Zakir Naik uu Islaamka ugu soo bandhigayo halkaas waxay muujinayaa nooca dalka Islaamka ah eeSheekhaan ayaa waxaa loo haystaa kiisas badan gudaha dalka Hindiya

Maxay Pakistan u marti-qaadday Zakir Naik?

Zakir Naik waxaa raadinaya booliiska Hindiya. Waxaa lagu eedeeyay falal lacag dhaqis ah iyo hadallo naceyb ah oo ka dhan ah bulshada gudaha Hindiya.

Waxyaabaha kale ee lagu eedeyay waxaa ka mid ah inuu kordhiyay nacayb iyo caddaalad darra ka dhex jirta bulshooyinka kala diinta ah eek u dhaqan Hindiya.

Laakiin Naik wuxuu sheegay inuusan wax dambi ah ka galin sharciga Hindiya. Sababo la xiriira fikradihiisa diimeed. Zakir Naik sidoo kale waxaa laga mamnuucay dalalka Bangladesh, Sri Lanka iyo Britain.

Maruu la hadlayay warbaahinta laga leeyahay Jarmalka ee DW, aqoonyahan caan ah oo Pakistan u dhashay laguna magacaabo Pervez Hoodbhoy wuxuu yiri, “Waan ka xumahay laakiin ma la yaabayo martiqaadka Zakir Naik oo sidii marti sharaf leh Pakistan loogu casuumay. Dowladdu waxay shidaal ku dartay dab”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:“Sacuudigu ninkaan waa iska fogeeyaa laakiin Pakistan ayaa noqotay dalka ku dhiirraday marti-qaadka Zakir Naik sidii marti sharaf leh.”

Zakir Naik hadda wuxuu ku nool yahay Malaysia, halkaasoo uu sidoo kale ku qasbanaaday inuu raalligelin ka bixiyo geliyo hadallo xasaasi ah oo ku saabsanaa jinsiyadda.

Bishii Agoosto 2019, booliiska Malaysia waxay mamnuuceen Zakir Naik inuu qabto kulamo ay iyo isagu isku arkayaan. Waxa kale oo su’aalo saacado badan weydiiyay booliiska Malaysia.Sheekh Zakir ayaa booqday dalal badan oo bulshooyinka ku nool uu jeediyay khudbooyin diini ah.

Muxuu Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ku yiri Zakir Naik?

Zakir Naik ayaa tagay dalka Pakistan 30-kii Sebtember wuxuuna qabtay barnaamijyo ka dhacay magaalooyin badan ilaa usbuuca ugu dambeeya ee bisha. Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa la kulmay Zakir Naik Arbacadii.

Shahbaz Sharif ayaa sheegay ka dib kulanka Zakir Naik in Muslimiinta ay ku faanayaan isaga sababtoo ah wuxuu faafinayaa Islamka adduunka oo dhan.

Shahbaz Sharif ayaa ammaanay Zakir Naik wuxuuna yiri, “Waxaad faafinaysaa qiyamka Quraanka Kariimka ah si aan horay loo arag oo adduunka oo dhan ah. Intaas waxa dheer, waxaad faafinaysaa Islamka adduunka oo dhan.”

“Dunida Muslimka oo dhan waxay ku faanaysaa adiga sababtoo ah waxaad dadka u soo bandhigaysaa sawirka saxda ah ee Islamka”.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa yiri, “Anigu si shaqsiyan ah ayaan uga faa’iidaystay waxbarashadaada. Waxaan ka helaa casharro qiimo leh oo ku saabsan Islaamka, adiga. Dadka Pakistan aad ayay kuu jecl yihiin waxayna aad ugu faraxsan yihiin booqashadaada.

Ka dib kulanka Shahbaz Sharif, Zakir Naik ayaa yiri, “Pakistan waa dalka kaliya ee adduunka lagu dhisay mabaadi’da Islaamiga ah. Waxaan rajeynayaa in Pakistan ay hirgelin doonto qiyam badan oo Islaami ah.”

“Inta aan ka warqabo, Quraanku waa dastuurkooda. Waxaan rabaa in Quraanka iyo Axaadiista si buuxda loogu dhaqan geliyo Pakistan. Riyooyinkeygii sannado badan ayaa rumoobay. Waxaan ku suganahay dhulka Pakistan. Alle ayaa ii hirgeliyay damacii aan mudada dheer lahaa.”

Zakir Naik ayaa sheegay, in Pakistaan ay ugu dambeysay 33 sano ka hor sanadkii 1991, “laakiin taasi waxay ahayd booqasho gaar ah. Waqtigaa ma aanan jeedin khudbado. Xilligan, dowladda Pakistan ayaa i martiqaadday” ayuu yiri.

“Pakistaniyiintu waxay igu soo dhaweeyaan si aad u diiran. Waxaan helay martiqaadyo badan oo aan ku imaanayo Pakistan. Waxaan rabaa inaan u sheego dad Pakistan in Kitaabka ugu wanaagsan adduunka uu yahay Quraanka.”

XIGASHO BBC SOMALI

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here