XIGASHO BBC SOMALI
Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday dhaqan galinta joojinta bacaha halka mar la isticmaalo kaddib markii Dawladda Federaalku soo saartay amar lagu mamnuucayo bacaha oo dhibaato ku ah dadka, xoolaha iyo deegaankaba.
Muddo sideed bilood ah ayuu soo socday qorshaha dawladdu ku doonaysay in lagu joojiyo isticmaalka bacaha halka mar la isticmaalo, iyadoo ugu dambeyn dawladdu sheegtay in wixii hadda ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin ganacsatada iyo dadka isticmaala bacaha.
“Ciddii lagu arko Bac ama ka ganacsigeeda waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan , wixii hadda ka danbeeyana Bacaha waa mamnuuc,” ayuu sheegay afhayeenka Boolisku Cabdifitaax Aadan Xasan.
Weli sharci faahfahsan lagamasoo saarin ciqaabta ka dhalan karta qofii isticmaalla bacda halka mar ah laakin Wasiir Khadiija oo ka jawaabeysay su’aashaas ayaa sheegtay in Booliska iyo Maxkamadaha madaniga ah ay la macaamili doonaan qaabka loo ciqaabayo.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sababaha loo mamnuucay bacaha ay ka mid tahay “in lala jaanqaado shuruucda ilaalinta deegaanka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay Soomaaliya dhawaan ku biirtay”.
Maxaa badal u noqon doona bacaha la mamnuucay?
Cabdi xirsi Cali oo ah aasaasaha shirkadda Africansolution ee fadhigeedu yahy magaalad Muqdisho, xog ogaalna u ah walxaha caagadaha ka samaysan ee yaalla suuqyada Soomaaliya ayaa BBC u sheegay In aanay hadda suuqyada diyaar ku ahayn agab kale oo bacaha lagu beddeli karo.
Cabdi Xirsi oo shirkadiisu ay soo saarto alaabooyin deegaan u wanaagsa sida jiliga guryaha la saarto oo ay ka sameeyaan bacaha iyo caagadaha oo ciid lagu daray ayaa sheegay in ay aad ugu adkaatay in ay soo saaran alaabooyinkaas sababtuna ay tahay korontada oo qaali ku ah.
Waxa uu sheegay “in loo baahanyahay in mashruucan ay dawladdu gacan ka geysato si loo helo koronto raqiis ah, kaddibna waxa la tababari karaa aayuu yiri dhalinayarada iyo dumarka si ay uga qeeyb qaataan wax soo saarka alaabooyina deegaanka u wanaagsan”.
“Si bacaha loo joojiyo loona soo saaro agab kale oo deegaanka u wanaagsan , ay waxaa lagama maarmana ah dowladdu in ay sameyso wacyi gelin badan iyo in ay gacan geeysato sidii loo soo saari laha wax soo saar kale oo lagu beddelo bahaca sida Kenyba ka jirta”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Walxaha lagu adeegtoo ee Soomaaliya muddo laga isticmaalayay
Waayadii hore, gaar ahaan 20 sano ka hor wax bac ah dadku uma isticmaai jirin adeegga amaba waa ay yareyd taas beddelkeedana wax ay isticmaali jireen dambiilo iyo sallado. Laakin, waqtiyadii danbe ee dukaameysigu batay , tiknoolajitada casriga ahina ay fududeeysay soo saarista bacaha waxa Meesha ka baxay isticmaalka dambiilaha, waxa iyadana qeeyb ka qaatay dadka oo ka cusleystay in ay dambiilaha iyo salladaha horrey usii qaataan marka ay soo dukaameysanayaan. Waxa iyadana qeeyb ka qaatay isticmaalka bahacaha, dukaamada oo fududeeyay, oo qofkii wax ka gataba siinaya bac bilaash ah, sida ay qabaan dad badani.
Dalalk horre u maray ee Galbeedka sida Ingiriiska oo markii horre ay bacahu lacag la’aan ahaayeen, marka aad dukaamada waaweyn wax kasoo iibsaneysid ayaa hadda ka dhigay lacag si qofku uu ugu yaraan uu u yareeyo isticmaalka bacaha si uu qofku u keydsado bacaha duugga ah, oo mar labaad uu istcimaalo, taas oo lagu yareynayo isticmaalka bacaha.
Siddee Muqdisho looga arkaa mamnuucidda bacaha
Dadweynaha magaalada Muqdisho qaar ayaa soo dhaweeyay amarka lagu mabnuucayo bacaha.
Weriyaha BBCda Ibraahim Maxamed Aden ayaa makarafoonka la dhexmaray qaar ka mid ah daweynaha muqdisho oo uu wax ka weeydiiyay ra’yigooda ku aadan mamnuucidda.
Maxamed Nuur Xuseen ayaa sheegy in uu aad usoo dhaweynayo mamnuucidda bacaha, isagoo sheegay in bacdu ay dhibaato weyn ku hayso, in la mabnucana ay wanagsantahay , isagoo sheegay in haddii Soomaaliya oo dhan laga wada aruriyo ay dan weyni ku jirto, isagoo intaasi ku daray in xoolihii iyo xaafadahaba ay dhib u keentay . “
Leyla Aden Macallin Iibraahim ayaa taageersan amarka lagu mabnuucayo bacaha , iyada oo sheegtay in ay ku faraxsantahay hasa syeshee waxa ay sheegtay in ay iyadu isticmaasho haatan bacaha marka ugu danbeeysana ay gubaan taas oo ay sheegtay in aanay caafimaad ahaan wanaagsaneyn.
Dalalka Bariga Afrika ee mabnuucay bacaha
Dalalka Bariag Afrika ee (EAC) ayaa horrey u mabnuucay isticmalka bacaha.
Dalka Kenya oo ka mid ah dalalkaas ayaa waxa si weyn uga dhaqangalay mamnuucidda isticmaalaa bacaha, waxaana taas beddelkeeda ay dadku isticmaalaan bacaho laga sameeyay matya iyo waxyaabo kale oo deegaanka u wanaagsan.
Madaxweynahi horre ee geeriyooday ee Tanzania John Magufuli ayaa booqasho lama filaan ah oo ku tagay suuq kalluunka lagu iibiyo sanadkii 2019 kii , waxa uu sii qaatay dambiil si uu ugu adeegto.
Tallaabadan ayuu madaxweynuhu ku taageerayay go’aanka dalkiisa looga mamnuucay isticmaalka bacaha.
Hase yeeshee, dalka Tanzania loogama baranin in nin uu suuqa la yimaado dambiil, taasna waxaaba kasii daran inuu arrintan uu sameeyo nin madaxweyne ah.
Go’aanka uu suuqa ula tagay dambiisha ayaa la filayaa inuu sii adkeeyo sharciga mamnuucista bacaha, kaasoo laga dhaqan galiyay dalkaas.
Tanzania Dadka lagu qabto bacaha ayaa wajihi kara ganaax lacageed oo dhan $87 ama xarig ilaa 7 maalmood ah, sida ay ku warrameen warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas.
Laakiin qofkii lagu qabto inuu warshadeeyo bacaha ama dalka soo galiyo, ganaaxiisu wuxuu noqon karaa $430,000 oo doolar ama xarig 2 sano ah.
Qaaradda Afrika ilaa 30 waddan oo Afrikaan ah ayaa mamnuucay isticmaalka bacaha.
=XIGASHO BBC SOMALI=