HomeWarkiiMasuul sare oo Mareykanka ka tirsan oo sheegay inay qiimeynayaan xiriir ay...

Masuul sare oo Mareykanka ka tirsan oo sheegay inay qiimeynayaan xiriir ay la yeeshaan Somaliland

Masuul xil sare ka haya dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay sheegay inay qiimeyn iyo daraasad ku sameynayaan sidii ay xiriir ula sameyn lahaayeen Maamulka Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland kuwaasoo doonaya inay Dalka intiisa kale ka o’aan.

Masuulkaan oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Christopher Landau ayaa xusay inuu shaqsi ahaantiisa maalmihii ugu dambeeyay ku fekeraayay qaabkii ay xiriir ula yeelan lahaayeen Somaliland.

Christopher Landau wuxuu arintaai kaga hadlay posti uu coments ka bixiyay qof reer Somaliland  barta X inkastoo kadib baraha bulshada ayaa lagu sii faafiyay.

Ereyada ama coments-ka qofka reer Somaliland waxaa ka mid ahaa Soomaalida waa xerada argagaxisada sidaas daraadeed ka jara dhaqaalaha, Somaliland Berbera ayay ku martigelineysaa xulafada Maraykanka si Shiinaha looga hor-tago.

Wariyayaasha reer Somaliland oo ka faa’iideysanaya fursadaan ayaa warka nucaan ah kor u sii qaday iyagoo dadka ka iibinaya in Mareykanku quuda dareynayo Somaliland madaama uusan maamulkaasi xiriir la lahayn Dalka Shiinaha oo xifaaltan dhaqaale iyo mid awoodeed uu ka dhaxeeyo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -