QANSAX-DHEERE (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan hore oo ka tirsan Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa ka shifay in ciidamada Dowlada Itoobiya ee ku sugan meelo ka mida Gobolka Bay ay rakaato iyo baad ku heystaan beeraha ugu badan ee deegaanadaasi dadku tacban jireen.

Xildhibaankaan oo lagu magacaabo Bahiir Ganeey ayaa ka shifay in ilaa 300 beerood ay Itoobiyaanku dul dageen iyaguna maamushaan islamarkaan aan xitaa loo dhawaan karin.

Advertisement

Bahiir Ganeey wuxuu sheegay in beerahaani ay ku yaal Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay xili shacabkii beerahaasi lahaa ay dibad joog ka yihiin hantidooda oo ay tacab ka soo saaran jireen.

Ciidamada Itoobiya ma jirto maamul ama Dowlad kula xisaabtantay tacadiga ciidamada Itoobiya ka geysanayaan gobolka Bay xili maamulka Koonfur-galbeed u sii hanqal taagayo inay Itoobiyaanku sii joogaan markii Dowladu dhawaan dalbatay inay ka baxaan dalka ka hor inta sanadkaan uusan dhamaan

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here