BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Agaasimaha guud ee Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Maamulka Puntland Maax Axmed  Yuusuf ayaa beeniyay warar shalay soo baxay oo sheegaya in ;la hakiyay shaqadii garoonka diyaaradaha Boosaso markii hanjabaad ay ka timid ciidamada BSF ee puntland kuwaasoo ku kacsan madaxda hada heysa hogaanka maamulka Puntland.

Agaasimaha wuxuu meesha ka saaray inaan jirin wax caqabad ah oo soo wajahay garoonka,wuxuu xusay inay duulimaadyadii caalamiga ahaa sidii caadiga ahaa u socdaan.

Advertisement

“shaqada garoonka dowlada ayaa ka masuula mana joojin karaan shaqadiisa kooxo warqado soo qorey”ayuu yiri agaasimaha oo intaasi ku daray ineysan xaq u lahayn inay dhahaan garoonku ma shaqeeyn karaan.

Agaasimaha wuxuu dhan kale beeniyay wararka ka yimid dhanka Ciidamada BSF ee ah in loo diiday inay garoonkaasi adeegsadaan.

“walaal iyagu sharci uma laha inay dhahaan ma shaqeyn karo garoonka waxaa ka masuula wasaarada  gaadiidka iyo duulista hadii cabasho jirto luuqad baa jirta looga hadlo,shacabka waxaan leeyahay yaan tashwiish la idinku furin wax dhiba ma jiraan”ayuu mar kale yiri Agaasimaha

Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu qirey in la afduubtay mid ka mida shaqaalaha garoonka diyaaradaha,isagoona xusay inay laamaha amniga ka war sugayaan.

Qoraalkii hanjabaada ahaa ee ka soo baxay ciidamada BSF ayaa sidan u qornaa:-

May be a doodle of text

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here