Johannesburg-South Africa, September, 17, 2024: Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo ka mid ah Golaha fulinta ee xoghayaaasha Baarlamaanka Pan-Afrika iyo xoghayaha guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa Magaaladda Johanesburg ee Dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay shirka xoghayaasha Baarlamaanka Afrika oo maanta ka furmay halkaasi.
Shirka waxaa looga hadlay xoojinta iyo kor u qaadista tayada waxbarashada iyo tayeynta xirfadda dhalinyaradda qaaradda Afrika iyo sidii qarnigan 21-aad muhiimad gaar ah loo siin lahaa horumarka qaaradda.

Ajendaha guud ee kukanka oo ah Ajendaha ururka ee sanadka 2063,waxa uu horudhac u yahay shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika oo maalinta beri ah si rasmi ah u furmi doona.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Ibrahim Gudle Isak
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 10 peopleMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, newsroom, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 7 people, people studying and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, people studying, dais, newsroom and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 5 people, suit and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here