BAARDHEERE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dagaalka Saaka ka socda Magaalada Baardheerer ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya inay masuuliyiin ka kala tirsan Dowlada Somalia iyo maamulka Jubaland ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba ka soo kala gaareen.
Wararka ayaa xaqiijinaya in dhanka Dowlada uu dagaalkaasi kaga dhintay madixii arimaha bulshada Degmada Baardheere Caagane Ilyaas kaasoo dhawaan ay Dowladu magacowday.
Sidoo kale Taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubaland ayaa isna la soo sheegayaa inuu dhaawac soo gaaray walow aan la cadeyn heerka uu gaarsiisan yahay.
Sidoo kale saraakiil iyo ciidamo ayaa la soo sheegayaa inay dagaalka saaka wax ku noqdeen inkastoo wali sharaxaad dheereed ah laga heyn .
Si kastaba xaalada guud ee Magaalada ayaa cabsi badan laga dareemayaa waxaana gabi ahaanba istaagay isku socodka shacabka iyo gaadiidka dadweynaha,waxaana shalayba xirmay goobihii waxbarashada iyo ganacsigaba.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM