MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiye waaxeed ka tirsan Degmada Garas-baaleey oo ka tirsan Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa xalay hoygiisa xili ay jiifeen isaga iyo reerkiisa waxa lagu weeraray qarax miino oo guriga loogu sii xirey.
Gudoomiye waaxeedka oo magaciisa lagu sheegay Sharafle ayaa gurigiisa uu gabi ahaanba burburey kadib qaraxa laakiin nasiib wanaag isaga iyo caruurtiisa iyo xaaskiisaba wax dhibaato ah ma soo gaarin laakiin nin guriga ag marayay ayay miinadu kala goysay oo halkaasina ku geeriyooday.
Guriga masuulkaani oo laamiyeeri ka sameysnaa ayaa waxaa soo gaaray bur bur xooggan markii miinada loo dhigay guriga dhinaciisa si loogu xasuuqo gudoomiyaha iyo qoyskiisaba.
laamaha amniga Degmada Garas-baaleey wali wax war ah kama soo saarin falkaani lagu weeraray masuulkaasi ka tirsan kuwa maamulka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM