Dowladda Masar ayaa Soomaaliya u tababaraysa si ay qayb uga noqdaan qorshaha lagu xoojinayo adkaynta Amniga iyo in la saldhigo amniga guud ee Dalka sida uu sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cali Cumar (Cali Balcad).
Xeryo lagu tababarayo ciidamada iyo saraakiisha Soomaaliya ayuu tilmaamay Cali Balcad in gudaha Dalka laga dhisayo si ay halkaas tababar ciidan oo heer sare ah uga bixiyaan Macallimiinta u dhashay Dalkaas.
Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Cali Balcad ayaa tilmaamay in Dowladda Masar horay usoo tababartay saraakiil Soomaali ah oo khibrad iyo waaya-aragnimo ku filan sida uu hadalka u dhigay.
“Masaarida waxa ay si gaar ah u taageeraan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, waxa aan rajeyneynaa in la sameeyo xeryo ciidanka Soomaalida ay ku tababaraan Macallimiin u dhashay Masar, Dabcan qofka ku siiya qoriga ama kuu tababara sarkaal waxa uu ka qayb qaatay dagaalka aad ku jirtid” Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Cumar Balcad.
Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, Xukuumadda Qaahira ayaa sanadkii tagay 2024 waxa ay Dowladda Federaalka ku wareejisay hub lagu xoojinayo ciidamada Federaalka.