MINNEAPOLIS(DAYNIILE.COM)-Nin aan wali aqoonsan ayaa la soo sheegayaa inuu  habeen hore weeraray masjidka Soomaalida ay ku tukadaan islamarkaana ay maamulaan kaasoo ku yaal magaalada Minneapolis ee gobolka Mineesota ee dalka Mareykanka.

Masaajidka oo lagu magacaabo Imaamka masjidka Daarul Xikma ayaa la soo sheegayaa inaaney cidi joogin xiliga weerarka uu dhacayay madaama ay waqti danbe ahayd.

Advertisement

Imaamka masjidka Daarul Xikma  Maxamed Cabdullaahi ayaa wareysi uu siiyay idaacada VOA-da wuxuu ku sheegay in ninka weerarka soo qaaday uusan wax dhibaato dad ah geysan balse uu jabiyay albaabka laga soo galo masaajidka sidoo kalana uu hadana jabiyay albaabka Xafiiska Imaamka.

“lama yaqaan ujeedka uu lahaa laakiin hada inta muuqata markii kaamirada dib loo fiiriyay ninkaani weerarka soo qaaday oo xirnaa maaskaro ayaa aad ula xarbiyay markuu jabinayay albaabka Xafiiska Imaamka”ayuu yiri Imaamka masjidka.

Shiikha Masaajidka wuxuu intaasi ku daray in hada ay Booliisku wataan baaritaano islamarkaana ay imaanaadeen masaajidka ayna arkeen sida wax u dheceen.

Dhanka kale Imaamka wuxuu xusay waqtiyadaan danbaba ay socdaan weerarada lagu hayo masaajidka dadka muslimiinta tanina ay qeyb uun ka tahay arimahaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Masaajidka MinneapolisMasaajidka Daarul Xikma

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here