ESPS Numancia

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Magaalada Boosaaso soo gaaray Markab dagaal oo midowga Yurub laga leeyahay kaasoo warar kala duwan ay ka soo baxaya ujeedka safarkiisa xeebaha Puntland uu ku soo gaaray.

Advertisement

Saraakiisha markabkaan wadata ayaa durba waxay kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland sida sarkaal ka tirsan ciidamada PMPF ee Puntland waxayna ka wada hadleen arimaha la dagaalanka burcad badeeda madaama markabkaani ka tirsan kuwa u jooga xeebaha Soomaaliya la dagaalanka burcad badeeda.

lama oga in Puntland codsadeen markabkaan dagaal oo laga leeyahaya dalka Spain laguna magacaabo ESPS Numancia madaama bilahaan danbe reer Puntland ay dhibaato ku hayeen kooxo burcad badeed Soomaaliyeed ah kuwaasoo xeebaha Puntland ka afduubanayay maraaakiibtii ganacsiga balse waxay aad uga wada hadleen dhanka amaanka.

Dhanka Puntland waxaa hor kacayay Agaasime ku-xigeenka guud ee ciidamada PMPF Maxamuud Silaal Cumar waxayna isla garteen ka hortaga burcad badeeda,daroogada iyo la dagaalanka daacish iyo Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here