Markabkii shidaalka ka baari lahaa Somalia ayaa berito ku soo wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka gaar ahaan dekada Xamar.
Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia ayaa lagu wadaa inay xaflad soo dhaweyn ah ku qaban doonaan Dekada Muqdisho, xitaa Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo hadii rabi idmo.
Soo dhaweynta kadib markabka ayaa shaqadiisa ka bilaabi doona meelo kala duwan oo Somalia ka mida kuwaasoo lagu tuhmayo shidaal si uu markabka dalka Turkigu u kala cadeeyo meelaha shidaalku ku jiro.
Baaritaanada kadib marka la gelo goobaha shidaalku ku jiro waxaa si toos ah loo bilaabi doonaa shidaal qodista inkastoo waqti sanado ah ay qaadan doonto insha Allaah in Somalia ka mid noqoto dalalka shidaalka soo saara.
Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement