MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Markabka sahminta shidaalka ee dalka Turkiga ayaa goor dhaw oo duhuradii ah soo gaaray Soomaaliya gaar ahaan Dekada Muqdisho, waxaana ka socotaa munaasabad lagu soo dhaweynayo.
Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa ku sugan Dekada Muqdisho si ay kaga qeybgalaan munaasabada soo dhaweynta markabka sahminta shidaalka Somalia.
Advertisement
Dekada waxaa lagu diyaariyay halkii xaflada soo dhaweynta lagu qaban lahaa sida ka muuqata sawirada waxaana gabi ahaanbka dekada laga nadiifiyay wixii gaadiid ka shaqeyn jirey dekada iyo guud ahaan shaqaalihii oo la fasaxay , kaliya dekada waxay maanta u xiran tahay xaflada soo dhaweynta oo lagu wado inuu ka qeybgalo madaxweyne Xasan hadii Rabi idmo.
Markabkaan oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa Horraantii bishan Xeebaha Turkiga waxaa ka soo sogootiyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Wasiirka Batroolka Xukuumada Faderaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Markabklaan waxaa la qiyaasayaa inuu ku dhawaad sanad ay qaadan doonto baaritaankiisa sahminta iyadoo inta badana dhanka Badda laga baarayo shidaalka Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement