Sida ay shaaciyeen ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan bad-weynta Hindiya waxay dib usoo furteen markabkii Basilisk ee shalay lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya gaar ahaan meel 380 Mayl u jirta xeebaha Muqdisho.

Markabkaan oo uu ka babanaayay  calanka Dalka Liibiya  ayaa ahaa mid Ganacsi sida Ciidamada Midowga yurub sheegeen.

Advertisement

Ciidamada Midowga Yurub waxay warkooda ku xuseen in dhamaan shaqaalihii markabka oo 17 ahaa ay nabad qabaan marka laga reebo mid ka mida oo dhaawac uu soo gaaray markii lala wareegayay markabkasi.

Midowga Yurub waxay intaasi ku dareen in qofka shaqalaha markanka ka tirsan ee dhaawaca la daweeyaay xaaladuna wacan tahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here