XAAFOON (DAYNIILE.COM)- Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa maanta iska sii daayay markab ay heysteen ilaa bishii November ee sanadkii hada dhamaaday kadib markii ay madax-furasho lacageed ka qaateen.
Markab-kaan oo laga afduubtay xeebaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya tan iyo 27-kii bishii November sanadkii 20204-kii ayaa la sheegay inay saarnaayeen 18 shaqaale ah waxaana laga leeyahay dalka Shiinaha inkastoo u kiraysna shirkad kalluumeysi oo Dalka Taiwan laga lee yahay.
Burcad badeeda ayaa markabka ka qafaashay xeebaha degmada Xaafuun ee Gobolka Bari.
Markabkaan oo uu wakiil ka ahaa ganacsato Reer Puntland ah ayay maanta burcadu ka qaateen 2 milyan dolar walow ay iyagu dalbadeen 10 milyan balse markii danbe lagu qanciyay 2-daas milyan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM