HomeWarkiiMareykanka oo sheegay inay sare u qaadayaan weerarada lagu hayo Al

Mareykanka oo sheegay inay sare u qaadayaan weerarada lagu hayo Al

Taliska Ciidamada Mareykanku Afrika ayaa daboolka ka qaaday inay kordhinayaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha Alshabaab iyo daacish ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) Gen. Michael Langley, ayaa la wadaagay guddiga Senate-ka u qaabilsan ciidamada Mareykanka inay Madaxweyne Trump iyo xoghayaha gaashaandhigga ay awood dheeraad ah u siiyeen inuu weeraro adag oo dhanka cirka ah ku qaado Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Daacish.

“si degdeg ah ayaan u weerareynaa kooxaha alshabaab iyo Daacish ,waan garaaceynaa ,si aan u sii badino tirada aan kooxahaasi ka dilno”ayuu yiri Taliye Gen. Michael Langley.

Talaabada Taliska Africom ayaa ku soo aadeysa xili hore Madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Daacish-ta iyo Alshabaab-ka ka dagaalama Soomaaliya isagoo carabka ku adkeeyay inay duqeymahaani qeyb ka yihiin ciribtirka kooxaha argagaxisada ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -