Milatariga Mareykanka  waxay sheegeen  in weerarkoda ay ku dileen  3 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish duqeyn ay ka fuliyeen meel ku dhaw deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Advertisement

Warka ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Afrika loona yaqaan AFRICOM ayaa inmtaasi ku daray inay weerarkaasi iska kaashadeen ciidamada  Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

“Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, latalinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la ah si  ay u soo qabtaan Daacisha.” ayaa lagu yiri Warka Mareykannka ka soo baxay

Dhanka kale Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland wali kama hadlin weerarkaasi AFRICOM sheegeen inay ku dileen 3 Daacisha islamarkaana aaney wax dhibaata ka soo gaarin dadka shacabka ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here