Dowlada Mareykanka ayaa mar kale si adag waxay kaga hadleen dulmiga iyo damaca Itoobiya kadib heshiiskii ay ay la galeen Maamulka Somaliland horaantii sanadkaan.

Danjiraha Mareykanka ee Somalia Richard Riley ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Itoobiya wali ku sii adkeysaneyso heshiiskii sharci daradaha ahaa ee ay la galeen Maamulka Somaliland.

Advertisement

Safiirkaan wuxuu xusay inay iyagu mowqif adag hore uga istaageen arintaani islamarkaana ay marnaba taageereyn dulmiga Itoobiya balse kaliya ay xaqiijinayaan inay ilaalinayaan taageersan yihiin madax banaanida dhuleed ee Somalia.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay Mareykan ah ka shaqeyn doonaan sidii xal nabadeed looga gaari lahaa xiisada ka dhex taagan labada dal ee Somalia iyo Itoobiya.

“waa nasiib daro in Dowlada Itoobiya aysan wali ka tanaasulin heshiiskii ay xiisadaani ka bilaabatay,waana mid  carqalad ku abuuraya geeska Afrika”ayuu yiri Danjiraha Mareykanka ee Somalia Richard Riley

Dhanka kale wuxuu Danjiruhu carabka ku adkeeyay in Mareykanku ka taageeri doono Dowlada Somalia la dagaalanka Alshabaab oo horabna ay uga caawin jireen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ambassador Richard H. Riley - U.S. Embassy in Somalia

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here