War ka soo baxay  Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayay ku shaaciyeen in sanadkan dhamaadkiisa marka ay baxaan Ciidamada ATMIS ay shacabka Soomaaliyeed iska difaaci karaan Alshabaab.

Taliska Africom waxay tilmaameen dhamaan goobihii laga saaray Alshabaab ay shacabku difaacan karaan oo doorkasnma ay ciyari karaan.

Advertisement

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen Michael Langley ayaa xusay in Alshabaab isku dayi karaan inay ka faa’iideystaan bixitaanka Ciidamada ATMIS ee Soomaliya ka howlgala

“hadii shacabka Soomaaliyeed kaalin fiican ka qaataan la dagaalanka Alshabaab meesha way ka baxeysaa damaca Alshabaab ee ah inay ka faa’iideystaan dulduleelada ka dhasha bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS”ayuu yiri Taliye Gen Michael Langley.

Taliyahaan mar uu ka hadlaayay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayuu tilmaamay inuu madaxweynuhu u sharaxay habka ciidamada Xooga Dalka Somalia ay kaga hortagayaan Alshabaab kadib bixitaanka ATMIS.

Dhanka kale Taliyahaan wuxuu muujiyay kalsoonida ay ku qabaan Ciidamada Milatariga Somalia kadib bixitaanka ATMIS.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here