Wararka laga helaayo Dalka Yemen ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeeyeen xabsi ay ku jireen dhalinyaro badan oo ka soo jeeda Afrika kuwaasoo laga soo qabtay iyagoo tahriib ku sii galaya Dalka Sacuudiga.
Afrikaantaan oo Soomaali ay ku jirto ayaa lagu hayay xabsi ku yaal waqooyi-galbeed Yemen oo ay maamulkaan dagaalamayaasha Xuutiyiinta oo dagaal uu kala dhexeeyo Mareykanku iyo Yuhuuda.
Weerarka waxaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen 68 muhaajiriin afrikaan u badan kuwaasoo ay ku jiraan 3 ilaa 4 Soomaali ah oo wali aan la xaqiijin sida ay BBC-du sheegtay.
Sidoo kale waxaa isbitaalada yaal oo ku dhaawacmay ilaa 47 ruux kuwaaso qaarkood qaba dhaawacyo daran.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Soomaali badan halkaasi 3 maalin ka hor laga daad gureeyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM