HomeWarkiiMareykanka oo duqeyn ku dilay ku dhawaad boqol Yamaniyiin ah

Mareykanka oo duqeyn ku dilay ku dhawaad boqol Yamaniyiin ah

Diyaaradaha dagaalka Dalka Mareykanka ayaa la soo sheegayaa inay  duqeyn ku dileen ku dhawaad boqol Yamaniyiin ah iyagoo ugu mar marsiyoonaya inay dagaal kula jiraan kooxda hubeysan ee xuutiyiinta

Duqeymaha cirka ee Mareykanka waxaa ku dhintay 74 ruux oo ahaa shacab u dhashay dalka Yemen,sidoo kale ,waxaa ku dhaawacmay 171 qof.

Tirada dhimashada ee ay soo sheegeen fallaagada Xuutiyiinta ayaa ka dhigan mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada Mareykanka ay ku qaadaan Yemen.

Weerarkaan oo ka dhacay  dekadda Raas Ciisa ee dalka Yemen ayaa noqonaya mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay ciidamada Mareykanka ka geystaan ​​dalkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee kooxda hubaysan Anees Alasbahi ayaa Jimcahaan sheegay in duqaymaha ay fuliyeen Khamiistii ay ku doonayeen in lagu gooyo ilaha shidaalka iyo dhaqaalaha Xuutiyiinta.

“Maanta, ciidamada Maraykanku waxay qaadeen tallaabo ay ku baabi’inayaan ishan shidaalka u ah argagixisada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto,” CENTCOM ayaa Khamiistii ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada.

“Ujeeddada weerarradan waxay ahayd in la dhimo isha dhaqaale ee xuutiyiinta,” ayaa lagu yidhi.

Weriyaha Aljazeera Mohammed al-Attab, oo ka soo waramaya caasimadda Yemen ee Sanca, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Mareykanka ay ku dhaceen dhowr goobood oo kala duwan, balse ay ahaayeen kuwa ugu badan ee ku hareeraysan dekedda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -