Xasan Sheekh Maxamuud, waa Madaxweynaha Soomaaliya ee hadda talada haya, waxa uu ballanqaaday inta uu ololaha ku jiray in doorashada qof iyo cod laga hirgelin doono dalka. Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta nidaamkaas doorasho waxay ku xiran tahay dhowr caqabadood oo is biirsaday kuwaas oo saameyn weyn ku leh xaqiijinta himiladaas.

Xaaladda Amniga, Soomaaliya weli waxay la tacaaleysaa xaalado amni-darro oo ka dhashay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo kooxo kale oo argagixiso ah. Amniga xasilloon ayaa ah aasaaska doorashooyin xor iyo xalaal ah, laakiin in nidaam qof iyo cod ah la hirgeliyo waxay u baahan tahay in deegaanada dalka oo dhan nabad laga hirgeliyo.

Advertisement

Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Teknoolojiyada:
Doorashooyinka qof iyo cod ah waxay u baahan yihiin qaabab teknooloji iyo dhaqaale ballaaran oo aan ka jirin qeybo badan oo dalka ah. Deegaanada qaar weli ma haystaan xarumo dowladeed ama adeegyo bulsho oo fududeyn kara habraacyada doorashada.

Sidoo kale Is-afgaradka Siyaasadeed ayaa ah mid lagu Kala aragti duwanaan ka dhex jira madaxda heerarka kala duwan ee dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa sidoo kale caqabad ku noqon kara sidii loo meel marin lahaa nidaamka doorashada qof iyo cod.

Sharciga iyo Habraaca Doorashooyinka Waxaa jira baahi loo qabo sharciyo iyo hannaan doorasho oo dhamaystiran si looga hortago qalalaase sharciyeed. Hadda, Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay hab doorasho oo ku saleysan awood qeybsiga beelaha (4.5).

Fursadaha taageerada beesha caalamka
Taageerada Beesha Caalamka Beesha caalamka waxay taageero dhaqaale iyo farsamo siineysaa Soomaaliya si ay uga caawiso hirgelinta nidaam doorasho oo hufan. Haddii taageeradan si wanaagsan loo maareeyo, waxay horseedi kartaa guul.

Dadaalka Dowladda: Dowladda Xasan Sheekh ayaa muujisay dedaal ku aaddan in la dardargeliyo dib-u-habeynta hay’adaha doorashada iyo wacyigelinta bulshada.
Khibrad Hore: Doorashooyinkii hore oo ku saleysnaa nidaamka dadban waxay bixiyeen khibrado muhiim ah oo loo adeegsan karo sidii nidaamka doorasho ee qof iyo cod loogu guuleysan lahaa mustaqbalka dhow.

Sikastaba ha ahaate dowladda Xasan Sheekh ayaa muujisay ballanqaad ah in doorasho qof iyo cod ah la hirgeliyo, caqabadaha jira ayaa ah kuwo culus oo u baahan dedaal ballaaran oo wadajir ah.

In kasta oo ay adag tahay in nidaamkaasi lagu hirgeliyo wakhtiga dhow, haddana waa tallaabo muhiim ah oo u baahan qorshe cad iyo wadajir qaran. Doorashada qof iyo cod waxay noqon kartaa mid guuleysata haddii la xalliyo caqabadaha taagan oo diiradda la saaro kaabeyaasha muhiimka ah sida amniga, dhaqaalaha, iyo heshiiska siyaasadeed.

W/Q: Mohamed Abdullahi Mohamed

E-mail : mcmokaash21@gmail.com

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here