Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Abshir Bukhaari , ayaa wiil 22-sanno jir ah uu dhalay waxaa loo magacaabay Agaasimaha waaxda Sharciyada iyo heshiisyada Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaddib markii Abshir Bukhaari u geeyay saaxiibkiis Wasiir Axmed Fiqi.

Wasaaradaasi waxaa ku maqan labo agaasime waaxeed oo laheyd beesha Murusade, kaddib markii xilalka laga qaaday laguna beddelay dad kale, Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Xasan Macallin oo saaxiib la ah Wasiir Fiqi wuu awoodi waayay in agaasimayaasha tolkiisa lahaa difaacdo, xitaa uu geysto ilmo uu dhalay ama dad kale oo ehel dhaw la ah.

Advertisement

Xasan Macallin , waxa uu ka xishoonayaa in uu shaqaaleysiiyo carruurtiisa, ehelkiisa iyo dadka kale ee tolkiisa ah, waxaana markii la weydiiyay dadkiisa in ay cabasho ka qabaan shaqo la’aan iyo xilal la’aan , si cad u sheegay in ay soo wacaan numberka cabashada 449.

W/Q: Abdulrahman Mohamed Hussein

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here