Manchester United Oo Magacowday Liiska Weeraryahannada Ay Lasoo Wareegi Doonto Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga

Manchester United ayaa diyaarisay liis ay ku jiraan afar weeraryahan oo ay doonayaan inay lasoo saxiixdaan suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo wada hadallada horu dhaca ay durba bilowdeen.

United ayaa isku diyaarinaysa inay xoojiso weerarkeeda xilli ay dhibaato ka haysato gool dhalinta xilli ciyaareedkan, iyadoo Bruno Fernandes uu yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda isagoo sideed jeer shabaqa soo taabtay horyaalka Premier League.

Weeraryahanada Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee oo kooxda ugu soo biiray lacag ka badan £100 milyan ayaa kaliya min afar gool ka dhaliyay horyaalka, taasoo ku qasabtay United inay raadsato weeraryahan cusub oo sumcad leh.

 

United waxay laba saxiix sameysay suuqii kala iibsiga ee Janaayo, iyagoo lasoo saxiixday daafacyada Patrick Dorgu iyo Ayden Heaven.

Laakiin, sida uu sheegay Florian Plettenberg oo ka tirsan Sky Sports Germany, United ayaa si “xooggan u baareysa suuqa” si ay u hesho weeraryahan cusub, iyada oo “wadahadallo horu dhac ah ay durba bilowdeen” ka hor inta uusan suuqu furmin.

Kooxda ayaa si xooggan loola xiriiriyay weeraryahanno badan, iyadoo magacyada Victor Osimhen iyo Viktor Gykoreres ay marar badan soo baxayaan.

Osimhen ayaa haatan amaah kula jooga Galatasaray oo uu uga yimid Napoli, kadib markii uu ku guuldareystay inuu u wareego Chelsea ama horyaalka Saudi Pro League xagaagii. Dhinaca kale, Gykoreres ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu wanaagsan caalamka isagoo Sporting CP ku dhaliyay 83 gool labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.

Waxaa la sheegay in labadaas weeraryahan ay sare kaga jiraan liiska United, balse sidoo kale ay indhaha ku hayaan xiddigaha Bundesliga ee Hugo Ekitike oo ka tirsan Eintracht Frankfurt iyo Benjamin Sesko oo u ciyaara RB Leipzig, kuwaasoo ah xulashooyin da’yar.

Dhinaca kale, weeraryahanka United ee Hojlund ayaa ugu dambeyn gool dhaliyay kadib markii uu gool la’aan ahaa 22 saacadood iyo 19 daqiiqo. Wuxuu goolkiisii ugu horreeyay u dhaliyay kooxda kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Leicester, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee uu shabaqa soo taabto 22 kulan iyo muddo saddex bilood ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here