Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka qarxay deegaanka Buqalooc oo u dhow degmada Afbarwaaqo.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo horey halkaas ugu dagaalamay.

Advertisement

Sida dayniile xaqiijiyeen dadka deegaanka labada dhinac waxa ay adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan weli lama xaqiijin, balse warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, iyagoo ugu baaqay dhinacyada isku haya inay nabadda qaataan oo ay ka fogaadaan dhiig daadinta.

Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka ayaa wada dadaallo lagu xallinayo colaadda, iyagoo ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda una istaagay dhex-dhexaadinta beelaha walaalaha ah.

Gobolka Mudug ayaa marar badan waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo soo noqnoqday, kuwaas oo salka ku haya muranno la xiriira dhul daaqsimeed iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here