HomeWarkiiMagacyada Saraakiil sar sare oo Alshabaab looga dilay duqeymaha diyaaradaha Dowlada

Magacyada Saraakiil sar sare oo Alshabaab looga dilay duqeymaha diyaaradaha Dowlada

Muqdisho: 20-ka Maarso 2025 CiidankaXoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya xuuraanka NISA, ayaa qaaday howlgal dhanka cirka ah oo ay furliyeen diyaaradaha Ciidanka Cirka CXDS iyo saaxiibada caalamka howllgalkaasi oo si gaar ah loola beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Dib-dheer ee Degmada Ceel-Buur Gobolk Galguduud.
Howlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare oo ka tirsan kooxaha argagixisada, ayaa lagu dilay horjoogayaal ay ka mid yihiin:
1. Axmed Macalin – Horjoogihii argagixisada ee degmada Ceel-Buur
2. Abuu Salmaan – Horjoogihii deegaanka Ceel-Garas, Galgaduud.
3. Xuseen Cali Badal – Horjoogihii deegaanka Xiindheere.
4. Budul Faarax Geedi – Horjoogihii deegaanka Xiindheere.
5. Sakariye – Horjooge ka tirsanaa argagixisada Galgaduud.
Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno kale oo ka shaqeeynayay marin habaabinta bulshada degaanadaasi kuwaasi oo ay kamid yihiin.
1. Mire Cagdheer – Horjooge ka tirsan argagixisada.
2. Muuse Cumar – Horjooge ka tirsan argagixisada.
3. Maxamed U Rur – Horjooge ka tirsan argagixisada.
4. Xaaji Bashiir – Horjooge ka tirsan argagixisada.
Taliska CXDS wuxuu xaqiijinyaa in howlgalkan uu daba socdo weerarkii taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Maarso 2025, markaas oo geesiyaasha Macawiisleyda degaanka ay si toos ah ula dagaalameen khawaarijti ku sugnaa tuulada Bay-Caadle.
Ujeedka horjoogayaashu ay ugu sugnaayeen Maalin Nugur ayaa la xiriiray isku day ay ku doonayeen in ay ku cadaadiyaan shacabka Soomaaliyeed si ay ugu biiraan maleeshiyaadka argagixisada, iyaga oo baadi-goob ugu jiray geesiyaashii Macawiisleyda ee weerarka qaaday.May be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments