Dowladda Soomaaliya iyo maamulka SSC-khaatumo ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ahna magaala madaxda Khaatumo ka dhagax dhigey dhismaha xabsi weyn oo Magaaladaas laga hirgelinayo.

Advertisement

 

Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye oo goobta dhagax dhigga ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu gacanta ku hayo maxaabiistii ugu badnayd oo dagaalkii ay Soomaaliland la galeen ku qabteen sanadkii 2023, islamarkaana ay baahi weyn u qabeen dhismaha xabsigan.

Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhisaya xabsiga, waxaana la filayaa in ugu yaraan 200 boqol oo maxbuus uu qaadi doono markii la dhamaystiro.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here