Wararka laga helaayo Magaalada Aflagaaye ayaa sheegaya xalay lagu dilay ciidamo dowlada Somalia ka tirsan qaarkoodna NISA ka mid yihiin halka kuwa kalana nolosha lagu kaxeystay.
Arinta la yaabka leh ee saakana laga hadal hayo Magaalada Afgooye ayaa ah in cida dhibaatadaasi geysatay ay yihiin ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka inkastoo aysan NISA wali ka hadlin.
Falkaan ayaa ka dhacay Waaxda 21-ka Oktoobar ee Degmada Afgooye waxaana la sheegay in dadka dhintay ay yihiin 4 ruux oo isugu jira saraakiil Booliis iyo NISA ka tirsan.

Waxaa kale oo dadka Afgooye la yaab ku tilmaamay in ciidamada NISA ee howlgalkaasi fuliyay ay sidoo kale hore u kaxeysteen 5 ruux oo dhaawacya qabay iyo waliba meydadkii xitaa.
Wararaka aan wali la xaqiijin ee dadka deegaanka qaarkood laga helay ayaa sheegay in ciidamada Dowlada ee howlgalka fuliyay ay aqoonsadeen 4-ta ay dileen ka hor inta aysan dilin.
Warar kale oo aan xaqiiqa u ahayn ayaa sheegaya in howlgalkaani ahaa qorshe NISA u degsanaa oo xitaa diyaarad ay ka qeyb qaadatay, waxaana la rajeynayaa in Dowladu faah faahin bixiso hadii Alle idmo.
Xaalada Degmada Afgooye ayaa saakay laga dareemayaa xiisada ka dhalatay howlgalka xalay Dowladu ka sameysay Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here