Booliska la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Kuuriyada Koonfureed, ayaa xalay xabsiga dhigay Madaxweynihii dalkaas Yoon Suk Yeol oo bil ka hor isku dayey in uu xaalad degdeg ah ku soo rogo, dalkaas, isagoo ku dhawaaqay in uu kala diray Baarlamaankii, ciidanka ku amray in ay la wareegan xaruntiisa.
Mr Yoon oo noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey oo isagoo xilka haya Xabsiga la dhigo, ayaa ku andacooday in uu dalka ka samata bixinayo halis qaran oo ay cadaw gudaha iyo kuwo dibadda ahi soo maleegeen.
Laakiin shacabka dalkiisa oo taa diidan ayaa wadooyinka iskugu soo baxay, iyagoo ku cadaadiyey xildhibaanada Baarlamaanka ee mucaarad iyo muxaafidba in ay dalka ka samata bixiyaan halista xukun boob ee Mr Yoon.
Baarlamaanka ayaa dacwad (impeachment) khiyaano qaran iyo xukun boob ku soo oogay Mr Yoon, xilkiina sidaas kaga qaaday.
Ku takrifalka awooda ayaa ah musuqmaasuqa ugu wayn, taas ayaana sababtay in Booliska qaabilsan la dagaalanka musuqa soo xiraan Mr Yoon.
Yoon ayaa sanadkii 2022 shacabka Koonfur Kuuriya u doorteen mudo 5 sano ah xilka madaxweynaha dalkaas oo sida dastuurka dalkaasi dhigayo ah hal mudo xileed oo keli ah.
Maadaama uusan markale isi soo sharaxi karin, Xisbigii uu hoggaamiyaha ka ahaana si ba’an looga adkaaday doorashooyinkii Baarlamaanka ee dhacay bishii April ee sanadkii hore 2024 ayuu Mr Yoon isku dayey in uu awooda xoog kula wareego, isagoo kaashanaya ciidanka, laakiin shacabka dalkiisa ayaa taa diiday.
Waxaa xasbiga la dhigay wasiirkiisii difaaca, halka taliyayaashii ciidanka Milateriga iyo Booliska uu baaritaan ku socdo
Shacabka wacyiga leh ee abaabulan cid kasta way ka awood badan yahay, dadkeennu waa in baraarugaan, heeryadana iska qaadaan, boobka hantida qarankana iska diidaan.