Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay ka qeybgalay shirweyne nabadeyn ah oo lagu soo gunaanadayay colaadii ka jirtay deegaanka Burdheere ee degmada cadale.
Shirkaan nabadeed oo muddo dheer socday ayay labada beel ee walaalaha ah ku gaaren heshiis rasmi ah, iyagoo isla meel dhigay go’aannadii la isla qaatay iyo in dadkii deganaa deegaanka burdheere dib loogu soo celiyo guryihii ay uga barakaceen colaadii jirtay darteed.

“Ma aqbaleyno in wiil dambe uu inooga dhinto dagaal beeleed qofkii la arko isagoo colaad ka shaqeynaya gacan adag ayaan ku qaban doonnaa.”

Munaasabada lagu soo afjarayay colaadaan mudada dheer taagneyd waxaa kasoo qeybgalay Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Xubno iskugu jira labada gole ee dowladda Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddiga Nabadeyta, Waxgaradka, Culimada iyo Ururada bulshada rayidka.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
May be an image of jeep and crowdMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 16 peopleMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of 8 peopleMay be an image of 4 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here