WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa ballan qaaday in aysan ka aamuseyn dhibaatada ka taagan Gaza,kadib kulan ay Washington kula qaadatay Natenyahu.

Haweeneydaan oo sidoo kale ah musharaxa madaxweynaha Mareykanka doorashada bisha November  ayaa intaasi ku dartay in dad shacaba oo aad u badan lagu dilay dagaalka Gaza islamarkaana aan laga aamusi karin.

Advertisement

Kamala Harris sidoo kale waxay adkeysay inaysan meesha ka saareyn taageerada Mareykanka uu hayo jiritaanka Yuhuuda iyo muhiimada amniga Yuhuuda

“Waxa Gaza ka dhacay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay waa wax aad u xun,sawirrada carruurta dhintay iyo kuwa quus ah oo gaajaysan oo doonaya nolol kuwaasoo mararka qaar laba jeer barakaca,sedexaad ama afaraad”ayay tiri madaxweyne xigeenka Mareykanka ahna musharax madaxweyne

Haweeneydaan kulankii ay ka qaadatay Netanyahu waxay ku boorisay  inuu aqbalo soo jeedinta xabbad-joojinta ee uu Maraykanku taageerayo.

” ma sii eegan karno masiibooyinkan, ma ogolaan karno, Aniguna kama aamusi karo waxa ka dhacaya Gaza”ayay mar kale tiri Harris.

“Waa waqtigii dagaalkan uu dhammaan lahaa oo uu ku dhammaan lahaa hab ay Israa’iil ammaan ku tahay, dhammaan la-haystayaasha la sii dayn lahaa, dhibaatada Falastiiniyiinta ee Gaza-na ay dhammaato “ayay mar kale tiri Harris.

Dhanka kale Kamala Harris waxay carabka ku adkeysay oo ay ku celcelisay taageerada ay u hayso wax ay ku sheegtay xaqa ay Israel u leedahay in ay is difaacdo, waxa ay cambaaraysay Xamaas oo ay ku tilmaantay urur argagixiso oo naxariis daran

“waxaanay liiska ku qortay magacyada shan muwaadin oo Maraykan ah oo la rumaysan yahay in ay Xamaas ku haystaan ​​Qaza iyo sidoo kale magacyada laba kale oo la rumaysan yahay in la dilay”ayay tiri mar kale

“Dhowr jeer ayaan la kulmay qoysaska la haystayaasha Mareykanka ah hadda, waxaanan u sheegay mar kasta inaysan keligood ahayn oo waan garab taaganahay, aniga iyo madaxweyne Biden, waxaana ka shaqeyneynaa maalin kasta inaan ku soo celinno guriga,” ayay tiri.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

bibi harris

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here