DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid  Aadan ayaa galabta gaaray Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo halkaasoo masuuliyiinta magaaladaasi ku soo dhaweeyeen,

Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Adis-ababa ee xarunta Dowlada Itoobiya halkaasoo uu wadajhadalo ku kala lahaa saraakiisha sar sar ee ciidamada Itoobiya, ugu dambeyna galabta ayuu soo gaaray Doolow walow uu Kismaayo u sii gudbi doono.

Advertisement

Masuulkaan ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Maamulka Degmada Doolow si ay uga wada hadlaan arimaha khilaaka kala dhexeeya Dowlada Somalia oo ahayd sababta safarkiisa uu Itoobiyana u tagay sida ay rumeysan yihiin dadka siyaasada taxliilaya.

Si kastaba socdaalka Madaxweyne xigeenka ayaa ku soo aadeysa xili uu taagan yahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland,iyadoo sidaas oo kalana wasiirka Amniga Dowlada Somalia C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag  uu isna mudo asbuuc ku dhaw ku sugan yahay Magaalada Gar-bahaareey ee Xarunta Gobolka Geddo halkaasoo uu ka wado kulamo siyaasadeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM May be an image of 2 peopleMay be an image of 5 people and treeMay be an image of 1 person and textMay be an image of 2 people, beard, people smiling, hat and textMay be an image of 1 person, smiling and body of water

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here