LUUQ(DAYNIILE.COM)-Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbalanad Maxamud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray Magaalada Luuq ee Gobolka Geddo hakaasoo si weyna loogu soo dhaweeyay.
Maxamud Sayid Aadan iyo wafdi uu horkacayo wuxuu u tagay Degmada Luuq sidii ay u nabadeyn lahaayeen beelo maalmihii ugu dambeeyay ku dagaalamayay Degmada Luuq kuwaasoo dhul isku heysta islamarkaana dad badan iska dilay.
Masuulkaan waxaa la socday Wasiiro iyo Xildhibano ka tirsan maamulka Jubaland, waxaana Degmada luuq kusoo dhaweeyay maamulka magaaladaasi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay Magaalada ka bilaabayaan kulamo ay la yeelanayaan odayaasha dhaqanka ee labada beelood si loo xaliyo waxyaabaha beeluhu isku hayaan oo dagaalka keentay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 14 people and helicopterMay be an image of 1 personMay be an image of 12 people and helicopter
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here