HomeWarkiiMadaxweyne Xassan ma wuxuu shaki geliyay aqoonsiga SSC Khaatumo?

Madaxweyne Xassan ma wuxuu shaki geliyay aqoonsiga SSC Khaatumo?

Open photoANKARA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagoo ka qeybgalaya shirka Ankara ee Dalka Turkey waxaa wax laga weydiiyay socdaalka Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamsa uu ku tagay Laas-caanood.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in safarkaasi yahay mid taariikhi ah oo uu Ra’iisulwasaaruhu ku tagay Magaalada Laas-caanood mudo sanado ah kadib.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib taabtay qodobo shaki abuuri kara taasoo ah ujeedka socdaalka Ra’iisulwasaaraha kadib markii uu carabka ku adkeeyay inuu u tagay Xamsa Laascaanood sidii xal loogu heli lahaa colaadihii ka dhashay dagaalkii Laascaanood ku dhex-maray Somaliland iyo shacabka reer Khaatumo.

Sido kale waxaa hadaladiisa ku jirey muhiimada ay leedahay in maxaabiista la is dhaafsado.

“Ra’iisulwasaare Xamse wuxuu u tagay Laas-caanood inuu soo abuuro jawi looga wada hadli karo qalalaasihii ka dhacay halkaasi oo aan wali la xalin”ayaa ka mid ahaa hadalada jawaabaha madaxweyne Xassan.

Dadka inta badan waxay ka sugayeen inuu ka hadlo aqoonsi Dowladu siiso maamulka SSC Khaatumo oo waliba ah riyada ugu weyn ee shacabka reer Khaatumo u soo dhaweeyeen Ra’iisulwasaaraha.

Wareysigaan oo si kooban Madaxweynuhu su’aalaha qaar uga jawaabay kuwaasoo bayaanin u baahan ayaa dadka inta badan u fahmi karaan wax ka badalan aqoonsiga.

Laakiin marka luuqada diblomaasiyada laga eego hadalada Madaxweynaha guud ahaan waxay u fasirmayaan in Madaxweynuhu afka qaranka ku hadlayo sidaas daraadeedna uu Madaxweyne u yahay Somaliland,Puntland iyo Khaatumo dhamaantood islamarkaana Dowladiisu leedahay hal ujeddo oo ah inay isku soo dhaweyso dhamaan maamulada ay Dowlada u tahay.

Tusaale warka guud ahaan Madaxweyne Xasan ayaa biya dhiciisu yahay inuu  dhamaantood uu matalo kaliyana uu doonayo siyaasad isku soo dhaweysa balse uusan dooneyn siyaasad Somaliweyn sii kala fogeysa.

Si kastaba warka Madaxweynaha wuuxuu salka ku hayo waxaa lagu kala ogaan doonaa kulamada siyaasadeed ee Ra’iisulwasaaruhu maalmaha soo socda la qaadan doono Hogaamiyaha SSC Khaatumo xili caawana uu bilaabay kulamadii dhaqanka uu la yeelanayay isagoona qaabilay isimada reer Khaatumo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -