Madaxweynaha Somalia Dr. Xassan Maxamuud oo wareysi siiyay warbaahin laga leeyahay Dalka Mareykanka ayaa soo hadal qaaday walaac uu ka qabo aqoonsi u raadinta Somaliland  maalmihii ugu dambeeyay ka socday Aqalka Cad oo ah madaxtooyada Mareykanka.

Madaxweyne Xasan wuxuu si gaar ah u sheegay in dad ku dhaw dhaw Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ku howlan yihiin sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen inuu aqoosi siiyo Maamulka Somaliland oo ictiraaf raadis ah.

Advertisement

“ma sheegi karno waxa Trump uu la iman doono laakiin anaga xiriir wanaagsan ayaa nagala dhexeeyay Mareykanka, ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xassan wuxuu muujiyay inay midnimada Somaliweyn u taagan yihiin mar kasta iyo xili kasta,islamarkaana aysan aqbali karin in Somaliweyn la kala geeyo.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh mar uu soo hadal qaaday doorashooyinka lagu amaano Maamulka Somaliland ayuu carabka ku adkeeyay in doorashooyinku aanay ahayn halbeeg lagu cabbiro qaranimada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here