HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo faah-faahiyay xiriir dhex-maray Alshabaab iyo Xuutiyiinta

Madaxweyne Xassan oo faah-faahiyay xiriir dhex-maray Alshabaab iyo Xuutiyiinta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qormo uu qorey waxaa lagu soo daabacay Jariidada Sharqul Awsat ee kasoo baxda dalka Sacuudiga,wuxuuna markii ugu horeysay ka hadlay ka dowlad ahaan inay xaqiijiyeen xiriir ka dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Madaxweyn Xassan wuxuu tilmaaay in sirdoonka Soomaaliya uu ogaaday inay kooxahaani  leeyihiin xiriir ilaa heer hub is dhaafsi,wuxuu intaasi ku daray inay Ciidamada Somalia dhawaan qabyeen drons dhanka Yemen laga keenay,walxaha qarxa iyo waliba koxihii lagu qabtay.

Wuxuu ku baaqay iskaashi  Gobolkuka yeesho  sidii loo ilaalin lagaa biyaha gacabka cadmeed iyo badda cas.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu qormadiisa aad ugu dheeraaday ilaa 6 jeer oo argagaxisadu isku dayday inay dilaan sida uu warka u dhigaay tan iyo markii sanadkii 2012-kii markii ugu horeysay loo doortay Madaxweynaha Somalia iyadoo uu ugu dambeeyay isku dayga  ay ku doonayaan inay isaga ku dilaan weerarkii 18-kii March ka dhacay muqdisho xili uu furimaha dagaalka u socday balse uu Alle ka bad-baadiyay.

“waxay raadinayaan argagaxisadu inay maamulaan bad-weynta hindiay iyo gacanka cadmeed oo muhiim u ah halbowlayaasha gobolka iyo dunida oo dhan”ayuu yiri Madaxweyne Xassan

Dhanka kale mar uu ka hadlayay ujeedka ay kooxaha argagaxisadu u doonayaan inay isaga dilaan ayuu ku sheegay inay mid ay uga hor tagayaan nooca mashruuca qaran  ee uu doonayo kaasoo ah mashruuc Soomaaliya looga badbaadinayo argagixisada sida uu warka u dhigay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -