MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho xili uu maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa furimaha dagaalka si uu u hago dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa wararka aan heleyno wuxuu Muqdisho u yimid si uu ula kulmo Gudoomiyaha Midowga Africa Maxamuud Cali Yuusuf.
Waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu dib ugu laaban doono furimaha marka uu kulanka la qaato Gudoomiyaha Midowga Afrika.
Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynuhu sidan oo kale Muqdisho ugu soo laabtay isagoona la kulamay Wafdi ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo uu hogaainayay Wasiirka arimaha dibada Dalkaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM